Skip links

Astaamaha Keligitaliska & Hadraawi

"Nin hadduu go'aankiyo sharciga gawrac ugu jiido
Hadba goondhabaaliyo hadduu gooddi furan keeno
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu gubasho sii beero
Guudaan haddii uu ku liqo ereyga geedeysan
Runta wuxu u guulguulayaa way gundheer tahaye."
—Gudgude

Astaamaha Kelitaliska iyo Hadraawi!
In ka badan labaatan sanno ayuu abwaan Maxamed Ibraahin Warsame, af iyo addinba kula dagaalamayay nidaam kelitalis ah, oo madaxa iskaga duubay dawladnimada, gacan bir ahna ku xukumayay dalka iyo dadka.
Soddon sanno kadib burburkii Kacaanka, weli waxa xooggan damaca ay siyaasiyiin badani ku doonayaan, qaarkoodna ay isku dayeenba, inay afduubaan doonista shacabka, iyaga oo ku dayana Macallinkoodii Weynaa.
Halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa toban astaamood, oo uu leeyahay hoggaamiyaha kelitaliska ahi, kuwaas oo aan kala soo baxay maansooyinka Hadraawi.
1. Sharcijebinta
Astaanka koowaad ee lagu garto keligii talisku waa inuu ka tallaabsado sharcigii ay ummaddu ku heshiisay, taas beddelkeedana uu jeebkiisa kala soo baxo xeerar isaga u gaar ah, oo laaluush, jujuub iyo hanjabaad lagu meelmariyo.
“Nin hadduu go’aankiyo sharciga gawrac ugu jiido
Hadba goondhabaaliyo hadduu gooddi furan keeno
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu gubasho sii beero
Guudaan haddii uu ku liqo ereyga geedeysan
Runta wuxu u guulguulayaa way gundheer tahaye.”
—Gudgude
2. Wacyidiidka
Kelitalisku maaddaama wax kasta oo uu ku kacayaa ay gurracan yihiin, si aan loo fahmin falaadkiisa, wacyiga iyo ogaalka bulshada ayuu burburiyaa. Wuxuu dadweynaha ka dhigaa kuwo marinhabaabsan oo been, jahli iyo borobagaando ku nool.
“Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhahar waa ninkiisii,
Garashadu dhibtiisiyo
Dhaawaciisa weeyaan,
Dhalanteedka beentiyo
Dhaymihiisu waa faan.
—Dhahar
***
“Duqu wuxu jeclaan laa
Midho daray had iyo jeer
Duuduub in lagu liqo,
Waxse aanu kuba darin
In la yidhi ha laga dayo
Dirxi inu ku hoos jiro.”
—Isa-sudhan
3. Rakaabxumada
Hoggaamiyaha kelitaliska ahi ma jecla inuu geyiga iyo golihiisa xukuumadda midna ku arko qof ka garasho dheer, ka magac weyn, ka sooyaal wanaagsan, ka sumcad badan, ama ka talo wanaagsan. Wuxuu jecel yahay qofka keliya ee ay bulshadu aragtaa inuu isaga noqdo, sidaa darteed, ayuu u urursadaa geedgaabka iyo garanwaaga, oo uu galoolkana ula dagaalamaa.
“Gaaraayucuuntiyo shinnida gurucya dhaadheerta
Giiryaalayaashiyo fulaa laguma guuraanka
Gumarta iyo maajeenta iyo geedxunkiyo tuugga
Gungunnaafka iyo maarta iyo gocorka aan quudhin
Kun ninoo guraangura hadduu goob isugu keeno
Guufkiyo haddii hooda iyo giniga loo qaybsho
Dadka kale intii gudan haddii gararka loo jiido”
—Gudgude
4. Doorashadiidka
Qaabka uu doono ha ku fuulo kelitalisku xukunka e, dhegihiisu waxay ugu neceb yihiin inay maqlaan kursiga ka kac, ama doorasho qabo. Si kasta oo uu doorasho u diidi karo wuu sameeyaa, xataa haddii uu qaranku ku burburayo. Wuxuu iska-dhaadhiciyaa inuu yahay qofkii ugu mudnaa ee kursigan fuulay, cid kale oo uu dalka ku aamminaana aanay jirin; mucaaridkiisana wuxuu ku shaanbadeeyaa qarandumisnimo.
“Doorashadu mar weeyaan
Nin la doortay baan ahay
Sidii baan u doorrahay
Doorashoo dhan waan xidhay
Dabadayna lama furo
Haddii kale dab baa kici,
Immikana digtoonoow
Dib u jeesta oo taga
Ka su’aal ka keenow
Magacaaga ii sheeg
Amar diiddo weeyoo
Anti baan ku qorayaa”
***
“Dhallinyariyo waayeel
Dhabba aan u hadallee
Haddaan dhigo xilkaan sido
Yaa u dhiibanaysaan?”
—Isa-sudhan
5. Guulwadayaasha
Astaanta ugu weyn ee kelitaliska lagu gartaa waa abuurista guulwadayaasha iyo nacamleeyayaasha. Dadweynaha wuxuu ka dhigaa shinbiro u heesa, golayaasha xukuumaddana golayaal u sacabiya. Ma arki karo kelitalisku qof barbartaagan oo la taliya, balse wuxuu jantaa qofka gadaashiisa taagan, ee durbaanka u tuma.
“Xaajadu markay gobo’da iyo gawda culus joogto
Keligii nin gaashaantay wuu gola-ka-fuulaaye
Gadaashiisa uun baa durbaan laga garaacaaye
Labadiisa geesood ma jiro ruux ku gelayaaye
Arrin lalama guulee warkuu gura yidhaahdaqye
Dadka wuxu u gacan haadiyaa qof iyo gaarkiise.”
—Gudgude
6. Mudandilka
Hoggaamiyaha kelitaliska ahi marka uu sharciga jebiyo, doorashada diido, wacyiga la dagaalamo, waxa soo baxa dad haldoor ah oo ka hor yimaadda. Haddaba si uu dadkaas u aamusiiyo wuxuu isku dayaa inuu qaar iska laaluusho, qaarna xidho, halka uu qaar kalena dilo. Wuxuu toos ugu dhaqmaa maahmaahdii ahayd ‘waysha gawrac, dibigu ha ku quustee.’
“Sow duruustu maahayn
Mudankiyo haldoorkiyo
Marka geesi laga dilo
Dadku inay fadhiistaan?”
***
“Duqu wuxuu u haystaa
Dilku inu qardhaas yahay
Dulmi lagu adkayn karo.”
—Isa-sudhan
7. Indhasarcaadka
Hogaamiyaha kelitaliska ahi si uu u marinhabaabiyo dadweynaha wuxuu ku mashquuliyaa xuska taariikhaha, dhisiddda taallooyinka, tumista madaddaalada iyo taagisga mashruucyo aan cidi dheefsan. Isaga oo ka hadlaya sidii loo buunbuunin jiray 21 Oktoobbar wuxuu yidhi Hadraawi:
“Dhugucdada xajiinta leh
Waxa loo dhab dhabayaa
Toddobaatan iyo dhowr
Ama boqol dharaarood
Ama tiro wax sii dheer
Nafta loogu dhibayaa
Dadka loogu dhacayaa
Dhaxan loogu joogaa
Dhafar iyo hurdo la’aan
Dibad loogu dhaxayaa
Dalka oo dhan nuurkiyo
Dharka loogu xidhayaa
Dhaanto loogu tumayaa
Dhaldhalaalka beenta ah
Ayaan dhuux ka hoosayn,
Dheeha muuqa guudkaa
Nuxur looga dhigayaa
Hadii ay dhabeel tahay
Dadka lihi ku dhaataan
Wuxuu dheefa lagu qabo
Dhag dhag iyo durbaan iyo
Dharba looma baahdeen.”
—Jiitama
8. Keligiicunka
Keligiitelisku naftiisa ayuu xoreeyaa, dadkana addoomo ayuu ka dhigaa; naftiisa ayuu hodmiyaa, dadkana sabool ayuu ka dhigaa; naftiisa ayuu geesiyeeyaa, dadkana fulay ayuu ka dhigaa.
“Ninkii ballankaaga qaaday
Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
Ka baydhay ujeedadaada
Ku boobay adoo sabool ah
Ku wiirsaday baaba’aaga
Adoo bogan waayey taada
Ninkii u buseelay raaxo
Huwaday bulbushii libaaxa
Buruudkiyo shaashka qaatay
U booday cirkaa dusheenna
Bilkeeday laboontidiisa
Buurtuu koray waarin mayso.
—Bulsho
***
“Dalku lacag ma haystee
Shilimada ka soo baxa
Qof haddaan la wada siin
Qiyaash maashka ugu weyn
Miyey qaybsamaysaa?
Haddii laysku wada dilo
Hadhow yaa mas’uul ka ah?”
—Isa-sudhan
***
“Ma bishii la dhuuntee
Sida eeri dhabankii
Dhabbadiyo jidaashiyo
Lagu jiitay dhoofkee
Dalka laga dhuyaalaa.”
—Jiitama
9. Awrkiraalanimada
Sida aynu hore u soo sheegnay kelitalisku waa qof dantiisa gaarka ah u nool, kursigana xoog ku jooga, sidaa darteed maaddaama aanu taageero gudaha ah haysan, mar kasta wuxuu ku tiirsadaa gacmo shisheeye, oo xukunka ku ilaaliya.
“Duqu wuxu ka marag kacay
Danni horeba loo qabey
In dorraad gumaystuhu
Dusha sare ka raran jirey.”
—Isa-sudhan
***
“Ma bishii dhabcaalkiyo
Dhaar jiidhka fuleyga ah
Dharaarmaalka tuugga ah
Nin gumeysi dhaansado
Taladii u dhiibtaa?”
—Jiitama
10. Raadxumada
Dulmiga, qaybinta iyo ciilka uu hoggaamiyaha kelitaliska ahi muddada dheer shidaalinayay marka uu qarxo, waxa ka dhasha burbur aan laga soo waaqsannin.
“Ma bishii laf dhabarkiyo
Afarteeda kala dhigan
Udubkiyo dhigtiisii
Dhoomihii is celin jirey
Dhaayihii is tebi jirey
Gacal wada dhaqnaan jirey
Hilbihii is wada dhalay
Dab dhexdooda gelisee
Dadku kala dhaqaaqaa.”
***
“Dhinbilaha i shidayaa
Dhiciddaada maahee
Dhulluxaad abuurtiyo
Dhidhkaad reebtay baa badan
Dhiilladaydu waa taas.”
—Jiitama
WQ: Cali Ileeye

Leave a comment

This website uses cookies to improve your web experience.
Home
Account
Cart
Search
Explore
Drag